Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Israa’iil ku xadgudubtay heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta Qasa

Published: September 19, 2024

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku eedeeyay Israa’iil inay “jebinayso” heshiiska caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta, isagoo sheegay in ficillada millatari ee Gaza ay ku yeesheen “masiibo” iyaga oo ka mid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee taariikhda dhow.

In ka badan 41,000 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday ololaheeda millatari ee ay kaga jawaabayso weerarrada xudduudaha ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar halkaas oo 1,200 lagu dilay 250 kalena ay qafaasheen. Maamulka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay horaantii todobaadkan in 11,355 ka mid ah dadka lagu dilay Gaza ay yihiin caruur, taas oo ku saleysan kaliya dhimashada si buuxda loo diiwaangeliyay.

“Dhimashada naxdinta leh ee carruurtu waa mid taariikh ahaan gaar ah. Tani waa meel aad u madow taariikhda,” Bragi Gudbrandsson, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga, ayaa u sheegay warfidiyeenka.

“Uma maleynayo inaan horay u aragnay, xadgudub aad u weyn, sida aan ku aragnay Gaza. Kuwani waa xadgudubyo aad u xun oo aan inta badan arag,” ayuu yidhi.

Weftiga Israa’iil ayaa horraantii bishan dhegaysiyo isdaba joog ah oo Qaramada Midoobay ku yeeshay ku dooday in aanu heshiiskaasi ka khusayn Gaza iyo Daanta Galbeed, waxaanay sheegeen in ay ka go’an tahay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Waxa ay sheegtay in ololaha ay ka wado Qaza uu yahay mid lagu ciribtirayo maamulka Falastiiniyiinta ee Xamaas, isla markaana aysan bartilmaameedsanin dadka rayidka ah, balse ay mintidiintu ku dhex dhuuntaan, taas oo Xamaas ay beenisay.

Horseed Media