Qaramada Midoobey oo ka walaacsan dagaalka Muqdisho ka dhacay

Published: April 26, 2021

Kadib dagaalo goobo kala duwan ka dhacay habeenkii xalay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa baaqyo ka soo saarey dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya dib u dhiska dalka, baaqyada loo jeedinaayo dhinacyada dirirtu ku dhexmartey Muqdisho ayaa loo sheegay in xalka keliya uu yahay in wada hadalkii dib loogu noqdo doorashadana laga heshiiyo, rabshadahana laga fogaado.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliyaayaa qoraal kooban oo uu soo saarey u dhigay sidan:

Qaramada Midoobey ee ku sugan Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhaca Muqdisho. Waxaan ka codsaneynaa in ay is dejiyaan dhinacyadu oo is xakameyaan. Rabshaduhu xal uma ahan ismariwaaga hadda taagan ee Siyaasiya. Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada in ay dib u bilaabaan isla markiiba wada hadalka.

UN

Sidaan oo kale waxaa qoraalo soo saarey Midowga Yurub iyo dowladda Ingriiska.

Xaaladda Muqdsiho ayaa maanta degan inkasta oo dhufeysyo la qodanaayo, waddooyinkana caratuur lagu xiraayo, taas oo u muuqata in xaaladdu weli kacsan tahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *