Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Published: August 5, 2022

Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna intaas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta waxyeellada qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Goobta maanta uu qaraxa ka dhacay ayaa ilaa 20 KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *