Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Published: October 1, 2020

War degdeg ah oo goordhaw ku soo dhacay warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in qof bom isku soo xirey uu isku qarxiyey isgoyska Black Sea ee degmada Hawlwadaag magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo dhawaaqiisa melo fog laga maqley ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsadey saraakiil dharcad ah oo goobta ku sugnaa.

Dad ku dhaw gooobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku geeriyoodeen weerarkan ismiidaaminta ah.

Kadib markii la adkeeyey gawaarida bomka lagu soo xiro in ay gaaraan goobaha Dowladda, ayaa hadda waxaa bilowdey in kooxaha is qarxintu ay soo xirtaan jaakada bomka la geliyo.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *