Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qaraxa…
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa laga maqlayey guud ahaan magaalada oo dhan, iyadoo cirka isku shareeray qiic iyo uuro.
Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-deg ah ee Aamin Ambulance ayaa warbaahinta u sheegay inay 16 qof oo dhaawac ah ay goobta qaraxa ka qaadeen, sidoo kalena shaqaaluhu arkeen maydadka shan qof.
Qarax ayaa bur-buriyay xarunta degmada Hodan iyo dhismayaal ku dhow-dhow.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa durba sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasl.
Bishan labadeedii ayey ahayd markii qarax lagu bartilmaameedsaday xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Horseed Media 2018