Qarax iyo Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho

Published: September 6, 2020

Magaalada Muqdisho ayey xalay ka dhaceen qarax iyo israsaaseyn degmooyinka magaalada xili la sheegay in amniga si weyn loo adkeeyey.

Qarax ayaa ka dhacay xalay wadada sida weyn loo illaaliyo Makkah Al mukaramah nawaaxiga xarunta Baarlamaanka iyo isgoyska Sayidka oo kamid ah goobaha laga illaaliyo wadooyinka gala Madaxtooyada Villa Somalia.

Illaa iyo hada inta la xaqiijiiyey labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo la dhigay wadada dhinaceeda.

Waxaa xigay israsaaseyn xalay ka dhacday Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid halkaasi oo la sheegay in ciidamada amaanka israsaaseeyeen koox dooneysay inay wadada miino ku aasto, booliiska ayaa sheegay inay toogteen hal nin oo kooxdaasi kamid ahaa, balse ay goobta ka baxsadeen labo kale.

Magaalada Muqdisho ayey maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen falalka qaraxyada loo adeegsanayo oo khal khal lagu gelinayo amniga magaalada oo ay xiligan ka socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo arrimaha siyaasada Soomaaliya gaar ahaan xiisada ka taagan nidaamka Doorasho ee heer Federaal.

Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *