Qarax ka dhacay degmada Afgooye

Published: May 30, 2022

Qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay qarax oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Qaraxa waxa kaloo ku dhaawacmay dad aan tiradooda la sheegin oo uu ku jiro gudoomiye kuxigeenkii hore ee amniga ee degmada Afgooye oo loo malaynayo inuu isagu ahaa bartilmaameedka qaraxa. 

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Afgooye maanta ka dhacay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *