Qarax ka dhacay Maqaayad ku taala Beledweyn

Published: February 19, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii halige ah, kaas oo ka dhacay maqaayadda Baar Xasan Dhiif oo ku taalo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana jira waxyeelo soo gaartay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee magaalada Baladweyne, halkaas oo xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *