Qarax Ka Dhacay Xarunta Denbibaarista Ee Magaalada Muqdisho

Published: February 17, 2012

Gaari ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa maanta ku dhexqarxay xarunta denbi-baarista ee loo yaqaan CID taas oo ku taala agagaarka KM4.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhashey gaari ciidamada amaanku ay soo qabteen kadib markii ay ka shakiyeen gaarigaas oo horey loogu soo xirey waxyaabaha qarxa, kadib markii ciidamada amaanku isku dayeen in ay baaritaan ku sameeyaan ayaa gaarigii uu ka dhashey qarax aad u weyn kaas oo geystey khasaaro dhaawac ah.

Xarunta Denbibaarista ayaa ka soo horjeeda Wakaaladdii Hargaha iyo Saamaha ee Soomaaliya oo horey qarax is miidaamin ah laga fuliyey kaas oo ay ku dhinteen ardey aad u badan.

Col. Aadan Kaalmooy Dhaqane oo u hadley ciidanka denbibaarista ayaa sheegay in Gaariga uu ku xirnaa Bom nooca Remote ka laga hago ah kaas oo ka kici kara meel fog, waxa uu sheegey in ay ku soo qabteen ilaa 4 nin oo hubeysan kuwaas oo burcvad iska dhigaayey, waxaana uu sheegay in gaariga markii ay qarxinayeen kooxdii bomka ku soo xirtey oo loo badinayo in ay yihiin Kooxda al-Shabaab in gaarigu taagnaa derbi ku yaala xerada dhexdeeda, waxaana qaraxaas ku dhaawacmey ilaa saddex askeri.

Arrintan ayaa noqaoneysa mid ka mid ah tabaha cusub ee Kooxda al-Shabaab ay kula dagaalamayaan Dawladda kumeelgaarka ah.

Horseed Media