Qarax khasaare geystay oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose

Published: August 14, 2022
Shares54

Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo lala eegtay mooto Fekon oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof shacab ah, halka uu dhaawac soo gaaray askarigii la socday mootada la qarxiyey.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baaritaano ah oo ku aadan qaraxaas miinada ah.

Ma jiro waxa hadal oo ka soo baxay laamaha amniga ee ku aaddan qaraxaas geystay khasaaraha kala duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *