Qarax lagu Khaarijiyay masuul ka tirsanaa Maamulka gobolka Banaadir

Published: April 20, 2021

Qarax Miino ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Siyaasadda degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ila wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdi Maamed Maxamuud oo ahaa gudoomiye kuxigeenka Arimaha Siyaasadda Deyniile iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen Qaraxa Miino.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa Miino ka dhacay waxaana ay wadaan baaritaano la xiriira Qaraxa lagu khaarijiyay masuulkan ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay Qaraxyada lala beegsanayo masuuliyiinta xilalka ka haya dowladda waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hoygiisa lagu dhex dilay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *