Qarax lagu soo xiray gaari raaxada ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Published: March 9, 2023
Shares24

Qarax miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa maanta ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka isgoyska Via Rooma ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacantay hal qof oo haweeney ah oo Mooto Bajaaj saarneyd.

Ciidamo ammaanka ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay tagay iyadoo halkaas ka sameeyey howlgal baaritaan ah.

Illaa iyo hada lama oga cida gaariga qaraxaas miinada ahaa loogu soo xiray, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda iyo cid sheegatay masuuliyadda qaraxaas.

Horseed Media