Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Published: January 23, 2024

Qarax nooca miinada ah ee dhulka lagu aaso ayaa maanta duhurkii ka dhacay meherad lagu qayilo oo ku taalla xaafada Tuurta ee bariga magaalada Boosaso.

khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxaasi.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas iyadoo aysan weli ka hadlin dowladda.

Lixdii bilood ee ugu dhambeysay waxaa hoos u dhac ku yimaaday amaanka magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Horseed Media