Qarax sababay khasaare kala duwan oo ka dhacay duleedka degmada Matabaan

Published: June 27, 2022

Qarax miino oo sababay khasaare kala duwan ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen wariyeyaal iyo askar la socotay kolonyo uu horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka halkaas ka imanaya ayaa sheegaya in ciidamada ay ku socdeen howlgal, kadibna uu qaraxa ku qabsaday wadada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro wariyeyaal iyo askar.

Dhanka kale ma jiro weli wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *