Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Buula-Barde

Published: January 6, 2018

Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa dhacay qarax xoogan,kaasi oo intiisa badan la maalay magaalada

Qaraxani oo ahaa minada nooca dhulka lagu aaso ee loo isticmaalo Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo fara baan oo goobta ka bilaaway howl galo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeyeey,waxaana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen dhowr qof oo qaraxaasi lala xiriirinayo.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaadka ee magaalada, mana ahan markii ugu horeysay ee uu qarax xoogan ka dhacay magaalada Buulo-Barde

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *