Qarax xooggan oo geystay khasaare kala duwan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Published: January 16, 2023

Qarax xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaas oo uu watay qof ismiidaamiyay.

Qaraxan ayaa lagu weraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa  Macawiisley ku lahaayeen deegaankaas Halgan.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo uu ku jiro Taliyihii dambi baarista CID-da ee Magaalada Baledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday, halka lix qof oo kalana uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Horseed Media