Qaraxyadii Suuqa Bakaaraha bishii Febraayo oo la soo bandhigey qaabkii ay u dhaceen

Published: March 22, 2024
Shares12

Warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ee jimacada baahisey muqaalo la isu geeyey oo ay duubeen kaamarooyinka loo yaqaan CCTV taas oo laga arkaayey weerarkii qaraxyada loo adeegsadey ee 06 Febraayo 2024 ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Muuqaalka ayaa lagu soo bandhigey in qaraxyada lag farsameeyey deegaanka Ceelsha Biyaha ee Koonfurta Muqdisho. Nin magaciisa lagu sheegay Farxaan Shariif oo ku shaqeysta mootada Bajaajta ayaa keenay Suuqa Bakaaraha isaga oo lacag badan ku qaatey, kadib waxaa boorsooyinka loo qaybiyey dhalinyaro ka tirsan kooxaha argagsixisada oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha kuwaas oo geeyey boorsooyinka ilaa 5 dukaan oo lagu iibiyo qalabka Elektroonikada.

Kooxda boorsooyinka dhabarka lagu qaato ee Bombka lagu soo xirey ayaa iska dhigaayey in ay yihiin dad macaamiil ah oo wax iibsanaya, kadib marka ay dhigaan boorsada oo ay banaanka u baxaan ayey la hadlayeen qofka haya furaha kaas oo qarxinaayey.

Kaamarooyinka lagu xirey Suuqa ayaa muujinaya in la garan karo dhagarqabayaasha dadka ku xasuuqey, waxaana barnaamijku muujiyey faa’iidada weyn ee dhanka amniga ah ee CCTV ay iska leedahay.

Ilaa hadda laamaha amniga waxaa gacantooda ku jira Farxaan Shariif oo ahaa ninka keenay Boorsooyinka bomka lagu soo qaadey suuqa Bakaaraha, inkasta oo uu sheegay inaanu garaneyn waxa ku jira boorsoyinka.

Dad gaaraya 12 qof ayaa ku dhimatey qraxyada Boorsooyinka ee la dhigey dukaamada qalabka Elekroonikada bishii Febraayo 2024, waxaana ku dhaawacmey in ka badan 35 qof oo kale, sababta ka danbeysey qaraxyada ayaa ah cabsi gelin iyo handadaad, in ay bixiyaan lacagaha baada ah ee Agagsixisadu qaado, sidoo kale waxay diidey argagsixsadu in dukaamadu ay xirtaan kaamarooinka CCTV.

Horseed Media