Qaraxyo sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Degmada Maxaas

Published: January 4, 2023
Shares2

Laba Qarax oo ismiidaamin ah ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah labada qarax ayaa ka dhacay Guri uu Maxaas muddooyinkii dambe ka deganaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS balse uu ka maqnaa waqtigii uu weerarkaas dhacayay.

Dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartey ayaa ah shacab, maadaama goobaha lala beegsadey ay ka ag dhow yihiin guriyo shacab.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootey qaraxyadaasi halka in kabadan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Horseed Media