Qardho: Guddoomiyaha Baarlamaanka PL, Oo Hoygiisa Ku Booqday Boqor Burhaan

Published: June 7, 2020

Boqor Burhan Boqor Muuse iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland

Qardho: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Qardho, ayaa maanta hoygiisa ku booqday Boqor Burhaan Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Booqashada Guddoomiyaha oo ay ku wehliyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, ayaa ahayd salaan sharaf iyo duco.

Ilaa hadda faahfaahin kama uusan bixin Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland safarka uu ku joogo magaalada Qardho waxa uu ku saabsan yahay.

Bartamaha bishan ayaa lagu wadaa inuu furmo kalfadhiga Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada iyo qaar kamid ah isimada Puntland ayaa kamid ahaa dhowaan dadaal lagu xalinayey khilaaaf u dhaxeeyey Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *