Qardho: Soodhaweyntii Madaxweyne Farmaajo iyo Qadadii Boqor Burhan – VIDEO/SAWIRO

Published: January 10, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafuuda la socotay ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar iyo Caasimada Dhaqanka.

Kumanaan shacab ah ayaa wafdiga kusoo dhaweeyey banaanka magaalada iyadoo sidoo kale wadooyinka waaweyn ay taagnaayeen shacabka saacado badan iyagoo si diiran usoo dhaweeyey wafdigan balaaran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa barxada Madaxtooyada Qardho kula hadlay shacabweynaha isagoo uga mahadnaqay shacabka Qardho iyo Puntland sida ay usoo dhaweeyeen.

Wafdiga ayaa gurigiisa ku booqday Boqor Burhan Boqor Muuse oo maanta beer ku taal duleedka Qardho ugu sameeyey qado shafar si heer sare ah loo soo agaasimay.

Boqor Burhan ayaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Gaas iyo waliba Siyaasi Salaad Cali Jeele gudoonsiiyey hadyado dhaqan, waxaana si gaar ah Madaxweynaha Jamhuuriyada oo uu Boqorka u gudoonsiiyey Faras iyo hadyado kale, Madaxweyne Farmaajo ayey u tahay booqashadii ugu horeysay ee deegaankan ku yimaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *