Qardho: Suuq cusub oo loo dhisay ganacsatada yaryar ee ku ganacsada dhulka Biyo mareenka

Published: February 26, 2024
Shares6

Gudoomiyaha degmada Qardho mudane Cabdi Siciid Qaal oo ay weheliyaan Gudoomiye ku-xigeenada Gobolka iyo degmada, Kusimaha Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Degmada Qardho, Xubno ka mid ah golaha deegaanka, Taliyaha saldhiga dhexe iyo Qaar Kamid Agaasimayaasha waaxaha ee degmada ayaa kormeer ku tegay suuqa cusub ee dhowaan degmadu ka hergelisay magaaladda Qardho.

Suuqan oo si casri ah loo dhisay ayaa waxaa loo diyaariyay ganacsatada yaryar ee ku ganacsada dhulka biyo mareenka ah ee maalmahan ay ka bilaabanayso shaqada furista daadadka iyo duminta guryaha ku yaal dhulka biyo mareenka.

Masuuliyiintan ayaa ku wargeliyay ganacsatada yar yar ee degan dhulka biyo mareenka in ay mudo 3beri ah ugu guuraan suuqa loo diyaariyay oo leh dhamaan adeegyadii suuq laga baahnaa, habeen iyo maalin-na ku haboon in lagu ganacsado amnigiisu suganyahay.

Ganacsi suuqan loo diyaariyay waxaa ka mid ah Qudaarta iyo miraha( fruits), Hilibka, Caanaha, Dharka, Kabaha, Bagaashka, Shopinka, Huudhayda, Kharkhaanka, Kabadhada iyo dhamaan ganacsiga yaryar ee Degmadu horay u diwaangelisay, Gudiyadoodana la kulantay.

Horseed Media