Qiimaha ay joogaan saacadda iyo faraantiga Amiirka Shabaab [Baaris]

Published: November 6, 2019
Amiirka Shabaab iyo dagaalyahanadiisa

Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa soo saartay muuqaal la daawan karo in ka badan 50 daqiiqo kaasoo uu ka soo muuqday markii ugu horaysay hoggaaminaya Al Shabaab Axmed Diiriye [ AbuuCubeyda ].

Intii lagu guda jiray khudbad guubaabo ah oo uu jeedinayay dagaal-yahanadii ka qayb-galay weerarkii lagu qaday xarunta ciidamada cirka Maraykanku ku leeyiihiin deegaanka Balli-gubadle ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa ganactiisa waxaa kasoo muuqday saacad iyo faraanti qaali ah.

Faraantiga uu xirnaa Abuu Cubayda ayaa laga sameeyay dhagax lagu magacaabo Aqeeq oo laga helo qaybo kamid ah Dunida, sida laga soo xigtay  xeel-dheerayaal.

Far-gashigan ayaa suuqa Dunida ku yaala qiimo kala duwan, iyadoo ay ku xiran tahay hadba culayskiisa iyo tayada uu leeyahay. Tusaale, Marka uu yahay 925 sterling silver, waxaa lagu kala iibsadaa qiimo dhan $100 ilaa inta u dhaxaysa $300 oo ah lacagta Maraykanka.

Aad waxaa looga jecel yahay dalka Yemen, Germany iyo cariga Latin America.

Saacadda uu xiran yahay Amiirka Shabaab ayaa waxaa la hindisay sanadii 1868, waxaana hal-abuuray nin lagu magacaabo Patek Philippe oo u dhashay Zwitzerland.

Abuu Cubeyda saacadda uu xiran yahay waxaa loogu talagalay inay la socoto heerka wadnaha qofka, xawaaraha uu ku socdo iyo heer kulka ruuxa wata.

Waxaa ay suuqyada ku taalaa saacadan lagu magacaabo Spots Watch lacag dhan $599 oo ah lacagta Maraykanka.

Arintan ayaa waxaa ay soo aadaysaa xilli dhawaan laga dayrinayay xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha .

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *