QM oo sheegay in ay go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya

Published: July 1, 2022

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.

James Swan ayaa sheegay in ay go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan.

Qoraalka kasooo baxay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa imaanaya iyadoo qaar kamid ah Magaalooyinka Soomaaliya lagu qabtay munaasabado lagu xusayey sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageertaa dhinacyada Amniga iyo Arrimaha Bani’aadannimada, iyada oo wadashaqeyn la leh Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *