Qof Soomaali Ah Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Itoobiya

Published: June 11, 2020
Aadam Faarax Ibraahim

Madaxweyne ku xigeenkii dowlad deegaanka Soomaalida Aadam Faarax Ibraahim, ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya, Kadib markii xilkaasi iska casishay haweeneey lagu magacaabo khayriya Ibraahim, oo si weyn uga soo horjeeday hab maamulka raisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Aadan Faarax, oo ah siyaasi caan ka ah gudaha Itoobiya, wuxuu horey usoo noqday maayarka ismaamulka Dirirdhaba.

Maxamed Rashiid Xaaji

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee Aqalka Sare Maxamed Rashiid Xaaji ayaa xilkaas iska casilay maadaama xilka guddoomiye ku xigeenka aysan suuragal noqoneyn in guddoomiyaha iyo ku xigeenkuba hal deegaan ka soo wada jeedaan.

Waa markii ugu horeysay oo qof soomaali ah loo doorto jagada gudoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *