Qoor-qoor iyo Cali Ciid oo qoorta iskula jira, khiyaamo qaran isku eedeeyey

Published: September 6, 2023
Shares15

Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf u dhexeeya Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Madaxweynihiisa Axmed Qoor-qoor, kaas oo gaarey in Cali Daahir Ciid ku eedeeyo qoor-qoor khiyaano qaran.

Cali Ciid Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa amar uu soo saarey xilkii uga qaadey wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel),. Wasiirka yo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka soo wada jeeda Caabudwaaq, waxana khilaafkoodu salka ku hayaa markii uu wasiirku diidey in wax laga beddelo maamulka Caabudwaaq.

Madaxweyne ku-xgineeka ayaa qoraalka uu xilka uga qaadey wasiirka Arrimaha gudaha ee Galmudug ku sheegay in wasiirku xagal daacinaayo dagaaka ka dhanka al-Shabaab ee uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxaana uu kala direy oo tashwiish ku furey ayuu yiri malayshiyaad aan ku ururiney Caabduwaaq.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa soo dhex galay waxaana uu waxba kama jiraan ka dhigey qoraalka ka soo baxay Mr Ciid. Sidoo kale isla qoraalka ka soo baxay Qoor-qoor ayaa lagu taageeray maamulka Caabduwaaq ee Mudane Cali Ciid doonaayey in la kala diro.

Madaxweyne ku-xgineeka Galmudug oo caawa waraysi siiyey mid kamid ah telefeishanada Soomaalida ayaa ku eedeeyey Madaxweynihiisa Qoor-qoor in uu xagal daacinayo dagaalka ka dhanka al-Shabaab taasina ay tahay khiyaano qaran sida uu hadalka u yiri.

Maamulka Galmudug ayaa ka kooban gobolka Galguduud iyo qayb ka mid ah Mudug, waxa uu ku taagan yahay taageerada dowladda federaalka ah oo kabta miisaaniyadiisa, waxaana dhawaan isaga tegey Madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaayey in uu ka bilaabo dagaalka sifeynta ah hakaas, haddase u wareegay dhanka Hirshabelle.

Horseed Media