Qoor-qoor Oo Kusoo Laabtay Galmudug

Published: September 7, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti ayaa maanta kusoo laabta magaalada Samareeb, ex-Dhuusamareeb.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamedd Nuur Gacal, xubno ka tirsan labadda gole, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo qeybaha bulshada.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa socdaalka uu ku tegay Jabuuti, wuxuu la xiriiray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan dhismaha dekada Hobyo, wuxuuna intuu halkaas ku sugnaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha iyo madax kale ee Jabuuti.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *