Qoor-qoor, Laftagareen Iyo Guudlaawe Oo Ku Shiray Muqdisho

Published: March 31, 2021

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor-qoor, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Guudlaawe ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayey madaxdu kaga hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan khilaafka doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada dalka 2021.

Madaxda maamulada dalka ayaa dhawaan is faham ka gaaray shuruudaha Puntland iyo Jubbaland ku xireen Shirka Wadatashiga, hase yeeshee madaxda ayaa isku fahmi waayay qodobka ah ajandaha shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *