Qoor-qoor mar kale ma u gefey Puntland-VIDEO

Published: September 10, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa markii labaad u gefey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xili maalinta khamiista ah loo ballansan yahay shirkii afaraad ee lagu qabyo tiraayo wixii ka soo baxay Dhuusamareeb 3, isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Qoor-Qoor oo ahaa madaxa maamulka halka ay gogosha Dowaldda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah at taaley isla markaana laga filayey inuu ciyaaro kaalin dhex dhexaadnimo ah bartamihii bishii Agoosto ayey la yaab noqotay erayada uu shirkiisi jaraa’iid u adeegsaday, isaga oo ku tilmaamey in macno darro loo maqan yahay. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa shirkiisii jaraa’iid diirada ku saaray oo kaliya qabsoomida shirka Dhuusamareeb 3 balse gebi ahaan soo hadal qaadin arrimaha waaweyn ee ku xeeran qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 iyo falalka Villa Somaliya ee lagu burburiyey heshiisyadii kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, taasi oo u dheertahay xil ka qaadistii Raysalwasaaraha iyo xukuumadii fulin lahayd qodobada lagu heshiiyey.

Daawo Video si aad u fahamto cinwaanka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *