Qoor-qoor Oo La Kulmay Wasiirka Gargaarka Iyo Musiibooyinka Soomaaliya

Published: August 26, 2020

Madaxweynayaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa sii-hayaha wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa iyo wafdi uu hogaaminayo ayuu kula kulmay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa kulanka kasoo qaybgalay wasiirka gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Xamsa iyo wafdigiisa ayaa maalmihii ugu dambeeyey safaro shaqo ku kala bixinayey Galmudug iyo Jubbaland oo ay gaarsiiyeen qalab loogu talogalay in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *