Qoor-qoor: Shirkii Waa Furmey … Waxaan Sugeynaa Madaxda Naga Maqan”

Published: August 18, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa saqdii dhexe saxaafadda kula hadley magaalada Dhuusmaareeb, waxaana uu ka hadley shirka Dhuussmareeb 3 iyo xaaladiisa.

Ugu horreyntii Qoorqoor ayaa sheegay in shirarkii Dhuusmaareeb 1 iyo Dhuusamareeb 2 ay ku dhaceen jawi wanaagsan ayna ka soo baxeen go’aamo, waxaana kamid ahaa ayuu yiri go’aamadaas in guddi farsamo la magacaabo shirna la isugu yimaado Dhuusmareeb 3 kaas oo ay ballantiisu ahayd 15 Agoosto.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay ballantii ay ku yimaadeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xassan (Laftagareen), Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, sidoo kale waxa uu ku daray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo aan shirarkii hore qayb ka ahayn in uu wakhtigii la qabtey ku yimid. Qoor-qoor ayaa sheegay in ay weli maqan yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islan oo uu sheegay in uu lee yahay cudurdaar oo uu xanuunsan yahay. Cabbaar kadib ayaa la xasuusiyey Madaxweyne Farmaajo oo uu isagan sheegay in uu wakhtigiisa ku yimid, ma cadda sababta uu markii hore uga tegey.

Qoor-qoor ayaa shirka ka dhigey in ay tahay gogol Galmudug ay leedahay, walaalaha maqana waan idin sugeynaa ayuu yiri, wixii aad tabaneysaan shirkan ka sheegta, isla isaga oo oo daba socda maqnaanshaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayuu yiri maaha in lagu maqnaanado wax aan MASLAXADDA ku aadaneyn.

Qoor-qoor marna ma soo hadal qaadin dooda ay qabaan Puntland iyo Jubaland oo caawa soo saartey warsaxaafadeed sababta ay uga maqan yihiin in ay tahay in aysan waxba ka fulin heshiiskii Dhuusamareeb 2, oo meesha laga saarey xukuumaddii fulin lahayd, dibna aan loo magacaabin Raysalwasaare, iyo khudbaddii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka, awood siinta Aqalka Golaha Shacabka iyo baabi’inta Golaha Aqalka Sare. Qoor-qoor oo aan sheegin awooda uu ku fulinaayo ayaa sheegay in aan cid kale loo baahneyn ee wixii lagu heshiiyo ay fulayaan.

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in ay sugayaan madaxda ka maqan ayaa isla shir saxaafadeedkiisa ku yiri shirkii WAA FURMAY, hawshuna waa noo bilaamatey, wuxuu sheegay in ay ku bilaabeen warbixin ay ka dhegeysteen guddiga aan loo dhameyn shaqadoodana Muqdisho ku bilaabey, wuxuu hoosta ka xariiqey in ay meel fiican marsiinayaan.

Haddaba waxaa la is qabadsiin waayey in uu yiraahdo shirkii waa noo furmey hawshiina waa wadnaa iyo waxaan sugeynaa Madaxweynayaasha naga maqan, sidoo kale waxaa la is weydiinayaa haddii guddiga farsamo oo aan loo dhameyn ay shaqadii bilaabeen sow maaha in aan loo baahneyn kuwa maqan.

Waxaa jirta dood oronaysa in Madaxweynaha Galmudug aanu ka faa’ideysan fursaddii siyaasadeed ee soo martey xarunta Galmudug iyo isaga oo ku jira bilihiisi u horeeyey, Shirka Dhuusamareeb ma ahan gogol reer Galmudug dhigeen waxay ahayd garasho iyo heshiis madaxda Dowlad goboleedyadu isla qaateen, waxaana khudbadiisi caawa u muuqataa mid gogoshaas u wareejineysa meel kale, kadib markii uu bilowgii horeba ka shaqeyn waayey diyaarinta shirka oo ay ugu horreyso in guddiga farsamada aan Muqdisho la isugu yeerin qaabka loogu heshiiyeyna aan loo beddelin.

Shirkii waa noo furmey caawa ayuu noo sii socon doonaa, walaalaha maqan booskoodi waa u banaan yahay iyo talooyinkoodi laakiin waan sii wadeynaa ayuu yiri.

Qoor-qoor

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *