Qoor-qoor: “Wax magac siyaasiyiin sheeganaya ayaa hurinaya colaadda Puntland iyo Galmudug”

Published: July 1, 2024
Shares30

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka hadlay colaadda maalmahan ka cusboonaatay gobolka Mudug, taasoo u dhaxaysa beelaha walaalaha ee wada dega gobolkaasi.

Axmed Qoor-qoor ayaa sheegay inay colaadda Mudug hurinayaan dad dano siyaasadeed ka leh, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

“Maalmahan dambe waxbaa ka dhacdhacayey Galmudug dhibaato, Galmudug gaar kuma aha sidda ogtihiin dagaalada qabaa’ilka oo meelahan ka dhacay, kuwa ugu dambeeyey ee waa Galmudug iyo Puntland dad walaalo ah oo kasoo jeeda ayey dhexmarayeen”; Madaxweynaha Galmudug.

” Annagga Galmudug iyo Puntland waa ka wada shaqayn doonaa nabadda, dadkana waxaan ugu baaqaynaa macna darada iyo adduun iyo aakhiro seegga dadkayagoow iska daaya, labo dhibaato ayaa ku dhex jirta, kow waa cadowgii argagixisada ahaa oo isku hurinaya dadkeena, labo waa wax magac siyaasiyiin sheeganaya oo Ilaaheyna ka cabsanayn oo ummaddana ka xishoonayn oo isku diraya dadka oo buunbuuniya waliba si dhibkooda uga dhigtaan fursad iyo jaanis, Shabaab bay ka liitan kuwaasi” ayuu yiri; Madxweyne Qoor-qoor.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa xubno wasiiro ah u diray deegaanada dirirtu ka dhacday ee gobolka Mudug, kuwaasi oo dhowaan shaaciyey heshiis horudhac ah oo laga gaaray dagaaladii ugu dambeeyey.

Horseed Media