Published: February 2, 2020
Axmed Cabdi Kaariye oo loo yaqaan Qoorqoor ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Galmudug.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/02/qoorqoor-1024x683.jpg)
Qoorqoor ayaa wareegii kowaad ee doorashada madaxtinimada Galmudug oo ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud waxaa uu kaga adkaaday 3 musharax oo la tartamayay, isagoo helay 66 Cod.
Hoolka Doorashadu ka dhacayso ayaa waxaa soo Xaadiray 77 Xildhibaan, waxaana ka maqnaa 12 xildhibaan, Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidatan:
- Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) 66 Cod
- C/laahi Axmed Samatar 9 cod
- Axmed Shire Maxamed 1 cod
- C/raxmaan Aadan Sabriye 1 cod
Doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa waxaa diiday inay ka qaybgaleen 4 Musharax, sidoo kale waxaa ka horyimid ururka Ahlu sunnah iyo madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf.
HORSEEDMEDIA