Qoor-Qoor: Waa fashilmay weerarkii fuleynimada ahaa waa soconayaa la dagaalanka al-shabab

Published: September 15, 2023
Shares18

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa muuqaal uu baahiyey qadar yar kahor ku sheegay inay ka badbaadeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saaka oo jimce ah ka dhacay deegaanka Laas-gacamay.

“Waxay ahayd rafashadoodii ugu danbeysay, waana fashilay weerarkoodii, waana sii socon doonaa dagaalkan” ayuu yiri hogaamiyaha Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaas ku daray inuu shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynayo in maalmaha soo socda guul laga gaari doono dagaalka al-shabaab.

Madaxda Galmudug oo ay wehliyaan xildhibaanada Federaalka ee deegaankaas kaasoo jeeda ayaa maalmihii lasoo dhaafay ciidamo badan oo ah kuwa macawiisleyda isugu geeyey nawaaxiga Wisil iyo Laas-gacamay ee koonfurta gobalka Mudug, halkaasi oo laga wado abaabulkii ugu danbeyey ee al-shabab looga saarayo gobalka Mudug.

Horseed Media