Qoraalka Erdogan: Sidee Turkigu u arkaa xiisadda kala dhexaysa Maraykanka.

Published: August 15, 2018

Joornaalka ´The New York Times” Aug.10, 2018 wuxuu daabacay qoraal uu qoray Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Wuxuu ku saabsanyahay tallaabooyinka halka dhinac ah maraykanku qaatay ee ka dhanka ah masaalixda turkiga.

Wuxuu hordhac uga dhigay taariikhdii dheereed ee saaxiibtinimo ee ka dhaxeesay labada dal kuna dherernayd illaa lixdan sano oo ay ka wada tirsanaayeen xulufada Nato.

Turkigu goobo badan ayuuu garab istaagay mareykanka iyo mar walba ay lasoo gudboonaatay baahi in lagarab istaago ah, turkiga garab istaagidiisa maraykanka waxaa ka mid ahaa, dagaalkii 2`aad ee dunida, ka qeyb qaadashadii ciidanka turkiga dagaalkii Kuuriyada, 1962 Maamulkii John Kennedy wuxuu turkigu kala shaqeeyay qaadistii Gantaalada Jupiter, weeraradii 11kii September ciidamada turkigu waxay tageen afgaanistaan ayagoo ka mid ahaa xulufada Nato .

Waxay dowladda turkigu cabasho ka muujisay inay dadaaladaasi oo dhan dhinaca maraykanku tixgalin uusan siin, wanaagi loo falayna uusan wanaag la mida la imaan.

Xiisadaan danbe ee ka dhex aloosantay labada dal waxay salka ku haysaa maraykanka oo aan canbaarayn isku-daygii Afgambi ee 15kii July, 2016kii lala beegsaday taliska ordugan, ee dhiiga badani ku daatay, kuna dhinteen ilaa 251 qof oo turki ah, waxaa intaa sii dheer in uu eedaysanaha 1`aad falkaas – iskudaygii afganbigii dhicisoobay – Fathallah Goolan oo ku nool Gobolka Pennsylvania – U.S.A inaan loosoo gacan gelin turkiga ayadoo la ogyahay inuu ku celceliyay dalbashada ah in loo soo gacan galiyo marar badan.

Ordogaan gabagabada qoraalkiisa wuxuu ku leeyahay intuusan waqtigu dhicin, Washington waxaa la gudboon inay ka gudubto fikradda ah in lagu sii wado socdo xiriir aan isku dheeli tirnayn, haday ku guuldaraysato inay wax ka badasho hab dhaqankaas ha ogaadu maraykanku in turkigu waayeyn saaxiibo iyo gaashaanbuuraysi cusub.

Ordogan sababta uu u doortay wargayska New York waxa ay tahay in wargayskaasi uu ka mid yahay kuwa ugu saameynta iyo fiditaanka badan maraykanka iyo caalamkaba si uu ugu gudbiyo golayaasha hagah siyaasadda maraykanka iyo guud ahaan shacabka dhambaal xambaarsan in Trump iyo guud ahaan xisbiga talada hayya aysan wadanka waddada saxsan aysan ku hogaaminayn.

Waxaan kala baxay qoraalkiisa siday dhib u tahay garab la`aanto iyo walaal xumidu xiliyada siyaasadeed ee qalafsan, waana waxxa igu xanbaaray inaan idin la wadaago.

W/Q:-Liibaan Axmed Shire

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *