Qorshaha amniga dalka iyo dib u xoreynta deegaanada al-Shabaab haystaan oo la soo bandhigay

Published: August 23, 2022
Shares18
shirka golaha amniga qaranka soomaaliyeed

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka mudne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isugu yeeray guddiga amniga qaranka, shir aan caadi ahayn, oo maanta oo salaasa ah ka dhacay xarunta Villa Somalia.

Shirka waxaa lagu soo bandhigey istraatiijiyadda cusub oo ku qoran English, taas oo loogu yeeray Somalia security sector reform, waxaana ka soo shaqeeyey la taliyaha amniga qaranka Xasan Macalim Maxamuud, oo goobta ku soo bandhigey.

Qorshahan ayaa ka kooban, talooyin, qaab dhismeedka amniga, waddooyinka reformka ee amniga iyo hawlagalada u horeeya ee mudada gaaban la qaadayo.

Waa muuqaalkii u horeeyey ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo baxa tan iyo weerarkii bahalnimada ahaa ee al-Shabaab ku qaadeen hotel Hayaat ee magaalada Muqdisho, taas oo uu afka ka xirtey oo uu ka aamusay.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha ayuu ku nuuxnuuxsadey sida uu u ogyahay in shacabku ka daaleen tacsi iyo baroordiiq ee loo baahan yahay tallaabo muhim ah in la qaado waxaana uu yiri:

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh
Xasan Sheekh maxamuud

Guddiga amniga qaranka ayaa ka kooban Madaxweynaha, raysalwasaaraha, wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, amniga, arrimaha dibada, maaliyadda, caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, taliyaasha milteriga, lataliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *