Qorshe ay Ciidanka Amisom uga guurayaan garoonka studium Muqdisho oo bilowday

Published: August 16, 2018

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Amisom ayaa bilaabay ka bixitaanka garoonka weyn ee Muqdisho Studium oo ay mudo 11 sano ah deganaayeen.

Wakiilka gaarka ah ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa hawlgalka Amisom ee Soomaaliya Fransisco Madeira ayaa sheegay in qorshaha ay ciidanka Amisom uga guurayaan garoonka kubada cagta Muqdisho studium uu qayb ka yahay howlaha kala guurka ah ee Amisom.

Mr Fransisco Madeira ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in Garoonka kubada cagta ee Muqdisho Studium dib loogu celiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana ay shaqooyinkii kubada cagta ku qabsadaan.

Qorshaha ka bixitaanka Amisom ee Garoonka kubada cagta Studium Muqdisho ayaa bilowday maalintii shalay, iyadoona sida la filayo maalmaha soo aadan ay si toos ah uga bixi doonaan garoonka ciidanka Amisom.

Tan iyo markii ciidanka Amisom ay howlgalo nabad ilaalin ah u yimaadeem Soomaaliya waxa ay mudo ka badan 11 sano degenaayeen Garoonka Stadium Muqdisho halkaaas oo saldhig ciidan ay ka sameysteen sanaddii 2007-dii.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *