R/W Xamse oo sheegay in dagaalka Al-shabaab uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha

Published: December 10, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka. 

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka, ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan Xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhallinyarada weli ku taagan fekerka Al-shabaab in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Horseed Media