Rag dil ka geystay Magaalada Galkacyo oo gacanta lagu dhigay

Published: May 21, 2022

Taliska Booliska gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaabka ay ka sameeyeen gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeshiyaad gaari ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in falka lagu rasaaseeyay gaariga ay ka xun yihiin, isla markaana waxaa uu tacsi u diray laba ruux oo ku dhintay weerarka lagu qaaday gaariga, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay qof dhaawacmay.

Taliye Cali Muuse ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *