Rag hubeysan oo weerar ku qaaday kaniisado iyo Macbadka Yahuuda ee ku yaalla Dagestan, Ruushka

Published: June 24, 2024

Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay kaniisado, macbadka Yahuuda iyo xarumo booliis oo ku yaal laba magaalo oo ka tirsan ismaamulka Dagestan Axaddii shalay, halkaas oo ay ku dileen baadari iyo ugu yaraan 15 boolis ah.

Weeraradii isku mar ahaa ee ka dhacay magaalooyinka Makhachkala iyo Derbent ayaa yimid saddex bilood ka dib markii 145 qof lagu dilay weerar ay sheegatay kooxda ISIS oo ka dhacay hoolka riwaayadaha ee u dhow caasimadda Moscow, weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee dalkaasi muddo sanado ah.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradan.

Lix ka mid ah dableydii ayaa la toogtay oo la dilay, ayuu yiri Guddoomiyaha Dagestan Melikov.

Warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa hay’adaha ammaanka ayaa sheegtay in ragga weerarka geystay ay ka mid ahaayeen labo wiil oo uu dhalay madaxa degmada dhexe ee Dagestan ee Sergokala.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya guddiga qaran ee la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay in shan kamid ah dableyda la dilay.

Horseed Media