Ra`iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso

Published: March 8, 2017

Ra`iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hambalyo u diray haweenka Soomaalyeed, isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka.

“Inkastoo aaney aheyn maalin la xafladeyn karo oo dalka ay Abaaro ka jiraan oo ay carruurteenu gaajo u dhimanayaan, waxaanse rabaa inaan idin xasuusiyo muhiimada ay leedahay inaan gacmaha is qabsano oo aan wadajir ugu istaagno gurmadka shacabka” ayuu yiri Ra`iisal Wasaaraha oo xusay in haweenka ay yihiin laf dhabarka bulshada iyo gargaar fidinta.

“Sideeda maarso waa maalin na xasuusineysa sida ay lagama maarmaan u tahay illaalinta xaquuqda hooyooynka iyo gabadhaheena Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa in xukuumadeyda ay ka hortagto tacadiyada ka dhanka ah haweenka” ayuu mar kale yiri Ra`iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada sideeda Maarso.
“Anigoo ka faa`iideysanaya munaasabadan maalinta 8-da Maarso ee haweenka adduunka, waxaan ku boorinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb libaax ka qaataan gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen”.

Dhanka kale Ra`iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu dib u furi doono Iskuul ay wax ku baran jireen gabdho Soomaaliyeed oo howlihii waxbarasho ee Iskuulkaasi u hakadeen duruufo dhaqaale owgeed, isaga oo cadeeyey inuu bixin doono dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si ay dib loogu bilaabo waxbarashadii gabadhaasi.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *