Ra’iisal Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe oo lagu toogtay Magaalada Nara

Published: July 8, 2022

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe ayaa maanta lagula cararay goobaha caafimaadka, ka dib markii la toogtay, isagoo khudbad ka jeedinaya Magaalada Nara ee dalkaasi Japan.

Shinzo Abe ayaa la toogtay laba jeer, iyadoo xabadda labaad ay kaga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco, isla-markaana uu miir daboolmo.

Raysul wasaare Shinzo Abe, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toogashada.

Dhaqaatiirta ayaa muddo shan saacadood ah la taacalayay xaaladdiis caafimaad.

Ninka toogashada ku dilay Mr Abe ayaa horey uga tirsanaa ciidamada badda,wuxuuna isticmaalayay sida la sheegayo qori gacan ku smaeys ah.

Booliska ayaa ninkaas qabtay markiiba waxaana ay hadda ku hayana xabsi.

Wuxuu booliska u sheegay inuu ka soo horjeedo Abe oo ahaa Raysul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *