Ra`iisul Wasaaraha oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Arrmaha Gar-gaar ee Bini-aadanimadda

17 January, 2018

Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb-galay shirk ay…

Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018.

Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay`addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falan qeeyay dhammaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka.

Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas`uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra`iisul Wasaarha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horeysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.
Ugu dambayntii Ra`iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini`aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *