Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga [Sawiro]

Published: February 1, 2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogey Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga H.E. Annamaria Cancellieri. Kulanka labada mas’uul ayaa waxey uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, sidii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ay xiriir wadashaqeyn ula yeelan laheyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa marka hore uga mahadceliyey Wasiiradda sida quruxda badan ee loo soo dhoweeyey isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale Wasiiradda Talyaaniga Annamaria Cancellieri ayaa ku ammaantay Ra’iisul Wasaaraha sida uu horumarka weyn uga sameeyey arrimaha amniga isla markaana u soo celiyey rajadii Soomaaliya oo ay sheegtay in beesha caalamka ay u soo jeesteen arrimaha Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ugu danbeyntii waxey isla garteen in Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Talyaaniga ay wada saxiixdaan heshiis iskaashi oo Booliska Soomaaliyeed loo fidiyo kaalmo dhanka qalabka, Lojistikada iyo kor u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxey kaloo isla garteen in Soomaaliya laga saacido maalmul u sameynta degmooyinka laga xorreeyo Al-Shabaab iyo la dagaalanka burcadbadeeda in laga saacido Soomaaliya soo nooleynta Ciidanka Xeebaha iyo u sameynta mashaariic horumarineed si dhalinyarada ay looga fogeeyo falalka burcad-badeeda. Ugu danbeyntii waxey labada mas├¼uul isla garteen in Qorshaha Xasilinta ee Amniga Qaranka Soomaaliyeed la dhaqangeliyo oo Talyaaniga uu kaalintiisa ka cayaari doono.

Horseed Media

Xigasho: Xafiiska Rasal Wasaaraha