Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada Jubbaland

Published: November 29, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen iyo wajiga labaad ee ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, gaar ahaana qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka, gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay, kana dhagax-dhigay tiro mashaariic ah kuwana kala ay waddada kusoo jiraan.

Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah oo dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.