Ra’iisul Wasaare C/wali oo beeniyey warka sheegaya in Somalia la gelin doono Maxmiyad

Published: February 4, 2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa beeniyey warka sheegaya in Soomaaliya la gelin doono Maxmiyad.

Dr. C/wali oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da ayaa sheegay in uu kala hadlay dowlada Talyaaniga warka sheegaya in ay doonayaan in ay Soomaaliya geliso gumeysi cusub nooca loo yaqaano Maxmiyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhawaan kasoo laabtay Talyaaniga haanna ku sugan dalka Kenya ayaa tilmaamay in ay aad ula yaabeen marki ay maqleen hadalada dhahaha Soomaaliya ayaa la gelin doonaa maxmiyad waqtigaan aduunka uu yahay casri.

“Soomaaliya waxay ka tirsantahay Qaramada Midoobay, waxay xubin ka tahay Midowga Africa, Jaamacada Carabta iyo dalalka Islaamka marka iyadoo ay jirto dowlad xor ah oo Soomaaliyeed qarnigana uu yahay kii 21-aad wax dhici kara ma ahan in Soomaaliya Maxmiyad la geliyo aduunyada iyo dadka Soomaaliyeedna aqbali maayaan,” ayuu sheegay Ra’isulwasaaraha.

Todobaadki lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxday warqad la leeyahay waxay kasoo baxday dowlada Talyaaniga oo oronayesa Soomaaliya waxaa la gelinayaa Maxmiyad Gumeyso.

Gabagabadi Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu kala hadlay dhamaan wasiirada ugu muhiimsan Talyaaniya iyo Wasiirka koowaad ee Talyaaniga kuwaasi oo dhamaantood meel isaga riixay in ay Soomaaliya la damacsanyihiin Maxmiyad Gumeysi.

 

Horseed Media