Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka guuray hal-kudhigga Nabad & Nolol

Published: November 4, 2019

Warbixinada muujinaya shaqo maal-meedka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu baahiyay boggiisa Twitter-ka ayaa lagu soo bandhigay hal-kudhig aan lagu aqoon hadda kahor! Kaas oo ka duwan hal-kudhagga xukuumadda oo ah Nabad & Nolol.

Hiigsi iyo Horumar ama Ammaano iyo Adeeg ayaa loo adeegsaday gunnaanadka warbixino lagu daabacay degelka Xasan Cali Khayre.

Dad badan oo uga dooday baraha bulshada waxa ay ku macneeyeen in Ra’iisul Wasaare Khayre sii billaabay ololaha doorashada 2021, beddelidda hal-kudhigga Nabad iyo Nololna uu tusaale u yahay in Xasan Cali Kheyre leeyahay han iyo kutalagal ku aaddan doorashooyinbka 2021.

Saxiibkiisa siyaasada Mahdi Guuleed oo ah ku-xigeenkiisa ayaa kal hore sheegay in ay dhisayaan xisbi, hayeeshee weli ma suuragelin dhismaha xisbiga xukuumadda, waxaana suuragal ah in ka guuridda hal-dhigyada Nabad & Nolol ay astaan u yihiin in Xasan Cali Khayre kudhawaaqi karo xisbi aan saaxiibadaiisa Nabad & Nolol u dhammeyn.

Xogo ay heshay Horseed Media ayaa muujinaya in Khayre uu damiciisu yahay ” U tartamista kursiga madaxtinimada Soomaaliya [ Madaxwayne ] ” balse si cad weli looma uma aysan shaacin xukuumadda Nabd & Nolol ee garwadeenka ka yahay mudane Xasan Cali Khayre.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *