Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waa in gargaar la gaarsiiyo shacabka Bardaale”[Muqaal]

Published: November 10, 2019

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ku sugan xarunta isbitaalka KMG ah ee Bardaale.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur-galay xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.

Xasan Cali Khayre oo tegay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *