Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka oo la kulmay qaar kamid ah ganacsatada ku dhaqan Angola

Published: December 11, 2022
Shares2

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Amxed Jaamac ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Angola. 

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay xaaladooda gaar ahaan caqabadaha heysta iyo fursadaha ganacsi ee yaalla dalka Angola.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay soo dhawaynayaan dadaallada ay dawladdu waddo ee dhinacyada Amniga iyo Dib u xoraynta dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola kaga qayb galaya Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka & Baasifiga (OACPS).

Horseed Media