Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Published: April 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

May be an image of 7 people, people standing and outdoors

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.

Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu usii gudbo xerada Afisyooni oo ay maanta ka dhaceyso doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *