Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Isimada iyo Bulshada Rayidka Puntland – VIDEO

Published: December 13, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isimmada iyo bulshada rayidka Puntlandoo kulan la yeeshay ayaa uga waramay xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygooda Garoowe ku booqday Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, dhisidda nabadda iyo isku haynta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee Puntland oo uu uga xog warramay xaaladda dalka, ujeeddooyinka safarkiisa Puntland, isagoo isimmada ka dhageystay warbixin ku saabsan dhaqanka iyo talooyin ku aaddan dowlad dhisidda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo uu warbixin ka siiyay guud ahaan xaaladda dalka iyo qaabka dowladdu u wajaheyso arrimaha ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalku galayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshda rayidka ku ammaanay kaalintooda dowlad dhiska iyo dhiirrigalinta nabadda, kuna boorriyay inay doorkooda ka qaataan arrimaha taagan sida doorashooyinka oo ay talo iyo saameynba ku leeyihiin.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *